Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Guddoomiyaha Degmada Xudur oo la Dhaawacay
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:24
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 28 2008
Guddoomiyaha Degmada Xudur oo la Dhaawacay
Written by Ali Moallim   
Saturday, 28 June 2008

Bakool, (insidesomalia.org)-7 Ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed ayaa dhaawacmay, kadib markii uu gudaha Degmadaas dagaal ku dhexmaray Ciidamada Maamulka Gobolka Bakool iyo Kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed oo qudhiisa afar meelood dhaawac ka soo gaaray, hayeeshee uu dhaawaciisa fudud yahay ayaa wuxuu sheegay in lixda ruux ee kale ee dhaawacantay ay kala ahaayeen afar ka mid ah Ilaaladiisa iyo labo ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdi Tall.

“Kooxihii weerarka nagu soo qaaday waxay dib ugu laabteen dhinaca Degmada Waajid oo ay markii hore naga soo galeen, xaaladda Magaaladana hadda waa ay degan tahay”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Xudur Mr Maxamed.

Kooxihii weerarka ku qaaday Degmada Xudur ayaa waxay qabsadeen shaqaale Ajnabi ah oo u shaqeynayay Hay’ad qaabilsan Miino baarista oo sida la sheegay hoostagta Hay,ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Mashaariicda ee UNDP, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halka ay la aadeen.

Ugu dambeyntiina, Weerarka aykooxaha hubeysan ku qaadeen Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Hay’adihii Samafalka ee ka howlgeli jiray Degmadaas, kuwaasi oo qaarkood loo soo wareejiyay Dhinaca Gobolka Bay, gaar ahaan Magaalada Baydhabo.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >